Wararkii Ugu Danbeeyay Goobihii Shalay Dagaalka Qadhaadh Ku Dhexmaray Falaagada Nabadiidka Beesha Ciise Iyo Ciidanka Somaliland +Oday Dhaqameedyo Digniin Culus Diray…..+Sii Akhri Hot News

Filed under: WARARKA SOMALILAND & SOMALIYA |

Xariirad-(BNO) Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhaya saaka degaanka Xariirad ee Gobolka Selel ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu saaka tahay mid degan aysan jirin wax dagaal ah marka laga reebo dhaqdhaqaaq militari oo xoogan oo ka socda ciidamada halkaas is horfadhiya ee saddexda waji leh, Dhinaca Dawlada, Dhinaca Maleeshiyada Qaswadayaasha Nabadiidka Beesha Ciise Ee Uu Hogaaminayo Mooryaan Geesh Iyo Dhinaca mujaahidiina Beesha Reer Dudub (Gadabuursi)

Ka dib dagaalkii qadhaadhaa ee ay ciidanka qaranku ku qaadeen falaagadan nabadiidka Beesha Ciise shalay galab ayaa waxa ay sheegayaan in ciidankaas badankoodu firxaday lagana soo qabsaday qaar ka mid ah maxaabiis oo uu ka mid yahay mid ka mid ah xilbaanadii is casilay, saanad militari iyo sahay meel u taalay oo gaadhi u saarnayd waxa kale oo ay wararku intaas ku darayan in ay jiraan wali aagag kale oo ay fahdhiyaan ciidankan falaagada ahi lana fili karo in iyadna weerar lagu eekeeyo hadii isa soo dhiibi waayaana soona gacangalinwaayaan dhagarqabayaashii dilay marxuumkii lagu dilay duleedka xariirad bilowgii dagaalka xariirad.

Dhanka kale odaydhaqameedyo ka soo jeeda Beesha ninka laga dilay Reer Dudub(Gadabuursi) oo Booramaonline la soo xidhiidhay ayaa sheegay in aysan jirin wax wada xaajooda oo dhexmaray iyaga iyo falaagada oo ku saabsan in ay ka heshiiyeen dilkaas, ayna sheegeen in wax heshiis ahi ka dhaxayn falaagadaas sida gardarada ah u soo weerartay beeshooda ayna waqti yar oo saacado ah u qabanayaan in loo soo gacan galiyo dhagarqabayaashii dilka gaystay taas oo ay cidii kale ee ay khusaysana ka codsaday in ay fiiro gaar ah u yeeshaan go’aankaas oo ay ula jeedeen dhinaca xukuumada Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee wali waxaa taagan dhiilada colaadeed ee ay kiciyeen qaswadayaasha nabadiidka Beesha ciise taas oo ay wali ay dusha kala socdaaan dadka aqlabiyada ah ee ku nool Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley sida xukuumada Somaliland Talaabo cad oo ay dadkaasi ku qancaan looga qaadi lahaa nimankan nabadda diiday doonayana in ay ay Somaliland Jarka Ka Sii tuuraan…

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Booramaonline insha allah.”

Booramaonline Desk

Xariirad-Somaliland