Hargeysa-(BNO) Wasiirka Warshadaha Somaliland Cabdirisaaq Cali Cismaan ayaa beeniyey in ay jirto in la qabtay markab ganacsato reer Somaliland u waday hadhaaga biraha oo dalka laga dhoofinayey .
Wasiirka oo Warbaahinta d kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warkan oo ay qoreen qaarka tirsan warbaahinta Hargeysa oo iyagu sheegay in markab u rarnaa gacansato reer Somaliland oo waday biro hadhaa ah oo la doonayey in dalka laga dhoofiyo ay xukuumaddu qabatay gaar ahaan uu madaxweynuhu amar ku siiyey in la soo qabto .
“ Warkaasi waxba kama jiraan xukuumaddu waxya mamnuucday in guud ahaan wax biro ah laga saaro dalka oo loo dhoofiyo meelo kale warkan waxba kama jiraan” ayuu yidhi Wasiirka warshadaha xukuumadda Somaliland.
Waxa kale oo uu sheegay wasiirkani ay xukuumadda Somaliland joojisay in dalka laga saaro wax biro ah oo iyada oo loo dhoofinayo dalalka dibadda , waxase jira oo uu wasiirku sheegay in ay jiraan biro ay ka cawdeen shaqaalaha dawladda oo iyagu sheegay in ay ku cidhiidhyeen goobaha shaqada , kuwaasi oo ay wasaaradu meelo gaar ah ku ururiyeen.
Magaalooyinka Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxa lagu arkaayey dad iyagu urursanaya biraha hadhaaga ah kuwaasi oo gaynaya meelo lagu kala iibsado ka dibna loo dhoofiyo meelo ay ka mid tahay dalka Ethiopia.”
Booramaonline Desk
Hargeysa-Somaliland